Hordhac
Dhulka Soomaalidu waxa uu ka mid yahay meelo badan oo dunida ka tirsan oo aanweli laga samayn degel-baarisyo mug leh, hase ahaatee hawlihii degel-baariseed eeilaa hadda lagu sameeyay gayiga Soomaaliya waxa lagu ogaaday in Soomaalidii hore gaartay heer ilbaxnimo, taas oo u fududaysay in ay dhistaan magaalooyin, qaarkood weli jiro sida; ilbaxnimadii “Wargaadi” iyo raadkeedii caanka ahaa oo wata caddaymo muujinaya in soomaalidu ay lahaayeen xuruuf u gaar ah, muddo kumanaan sano ka hor, welina ay jirto baahidii loo qabay degel – baaris dheeraad ah, si loo ogaado sirta ku dahsoon taariikhda Soomaalidii hore.Taariikh yahankii giriigga ahaa ee la oran jiray” Heroodoot” oo booqday dhulkasoomaalida qarnigii koowaad dhalashadii Nabi Ciise ka dib, ayaa ka sheekeeyay inSoomaalidii hore ay ahaayeen dadka ugu cimriga dheer dunida.
Hab nololeedkii horeee soomaalida waxa uu ku soo haray magaalooyin badankoodu ay weli magacooda haystaan, ama waxyar laga beddelay sida: Saylac, Berbera, Mayrh, Xaafuun, Boosaaso, Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo.Taariikhyahannadu waxa ay isku raacsan yihiin in islaamku ku soo gaaray kuna faafaySoomaaliya si nabad ah. Balse waxa ay isku khilaafsan yihiin xilliga ay diinta islaamku111 dhulka soomaalida soo gaartay.
Hase ahaatee Soomaaliya waxa ka hana qaaday xarumo laga yaqiin dunida muslimka oo lagu barto culuumta islaamka, meelo badan oo afrika ka mid ahna islaamka waxa gaarsiiyay soomaali.
Sahankii yurub ee bortaqiisku billaabay qarnigii 15aad, kuna soo gaaray xeebahabariga afrika isaga oo u soo maray jidka rajada wanaagsan, waxa uu tusay dalalkiireer yurub Muhimadda dhulka soomaalida waxa ayna billaabeen sahanno hor leh iyodamac gumaysi oo daba jooga.