Hordhac
Xilliyada taariikhda qaybintooda waxa ka jira dood u dhexaysa taariikh-yahannada
muslimka iyo dhiggooda reer galbeedka. Dooddaas waxa ay ku salaysan
tahay dhacdooyinka mudan in xilliyadu ka billowdaan kuna dhammaadaan.
Taariikhyahannada reer galbeedku waxa ay xilliyada ka billaabaan kuna dhammeeyaan dhacdooyin dhammaantood ku saabsan ama ka dhacay galbeedka.
Halka tarriikhyahannada islaamku qabaan in ay jiraan dhacdooyin mudan in xilliyada
lagu billaabo ama lagu dhammeeyo, kuwaas oo ku saabsan ama ka dhacay dunida
muslimka gaar ahaan, ama bariga dunida guud ahaan.
Taariikhda islaamka oo soo martay xilli-taariikheedyo kala duwan, oo ay ka mid
ahaayeen: Xilligii rasuulka (NNKH), Khulafaa-u-rraashidiin, Dawladihii Umawiyiinta, Cabbaasiyiinta iyo Cusmaaniyiinta.
Eray bixinta xilli-taariikheed iyo doodda ka dhex jirta taariikh- yahannada muslimiinta iyo dhiggooda reer galbeedka ee ku saabsan dhacdooyinka mudan in lagu billaabo ama lagu dhammeeyo xilliyada taariikhda.
Waagii ama Xiligii Rasuulka (NNKH)
Xilligii rasuulka (NNKH) waa halku dheg tilmaamaya xilli taariikheed ka mid ah xilliyadii taariikhda islaamka. Xilligaan waxa looga hadlaa dhacdooyinka dhacay muddo ku dhow 20 sano oo u dhexaysay soo if baxii islaamka iyo geeridii rasuulka (NNKH).
Jasiiradda carabta oo ku nooleyd labadii boqortooyo ee Roomaaiyiinta iyo Faarisiyiinta
dhexdooda, waxa ay kaalin ganacsi ka qaateen isku xirka koofurta (Yeman) iyo
waqooyiga (Shaam), Magaalada Maka waxa ay ahayd xarunta ganacsiga ee jasiiradda
carabta. Qurayshna waxa ay ahayd hoggaanka dhaqaale ee jasiiradda carabta. Iyadoo Haashim ibn Cabdimanaaf uu sameeyay labada socdaal- ganacsi ee lagu magacaabi
jiray socdaallada jiilaalka iyo xagaaga, oo kala aadi jiray Yeman iyo Shaam, waxa ay
magaalada Maka iyo qabiilka quraysh u keeneen dhaqaale baaxad wayn.
Xalkii uu keenay nabigu (NNKH).
Dhanka kale bulshada carabtu waxa ay ahaayeen kuwo ku salaysan kala sarrayn oo
aan sinnaani ka dhex jirin. Carabtu waxa ay bulsho ahaan u qaybsanaayeen saddex
qaybood oo kala ah: Dad xor ah, dad dhaqan-wadaag ah iyo kuwo addoomo ah.
Dumarkuna xurmo kuma lahayn bulshada dhexdeeda. Waxa aan tusaale u soo qaadan
karnaa nolol ku aaskii gabdhaha iyo guurka xad la’aanta ah. Xagga diinta waxa lagu
tilmaamaa xilligii jaahiliga iyadoo sanamyadu daadsanaayeen meel kasta.
Xaaladaha aan soo sheegnay oo jira ayuu nabigeennu (NNKH) ku dhashay magaalada
Maka habeen isniin ah 12kii bisha rabiic-awal sannadkii maroodiga (caamul-fiil) oo ku
beegan bisha Abriil 571 sida loo badan yahay.
Nabiga (NNKH) oo agoonnimo ku soo
koray wuxu goob joog ka ahaa dagaalkii (FUJAAR), wuxu ka qayb galay isbahaysigii
(FUDUUL), wuxu kale oo ka qayb galay dib u dhiskii kacbada, markii dhismuhu
dhammaaday ee jufooyinka quraysh ku murantay cidda dhagaxa madow (Xajarrul-
aswad) meeshiisa dhigaysa. Nabigu (NNKH) isagoo da’ yar ayuu murankii xalkiisa
keenay ka dib markii ay u gar dhigteen.
Nabigu markii uu Afartan jir gaaray isaga oo sida u caadada ahayd godka XIRAA’ ku
dhex fekerava avaa lagu soo deiivay waxviga Eebbe, wuxuna billaabay fidinta farriintii
Nabigu markii uu Afartan jir gaaray isaga oo sida u caadada ahayd godka XIRAA’ ku
dhex fekeraya ayaa lagu soo dejiyay waxyiga Eebbe, wuxuna billaabay fidinta farriintii
Illaahay. Fidinta dacwada islaamku waxa ay soo martay heerar kala duwan oo ay ugu
muhiimsanayd heerkii qarsoodiga iyo heerkii soo bandhigidda. Muslimiintu dhibkii
uga imaanayay quraysh darteed waxa ay u hijroodeen dhulkii xabashada.
Sababta muslimiintu u doorteen dhulka xabashada.
Mar kale waxa ay u hijroodeen magaalada Yathrib (Madiina), Nabigu (NNKH) markii
uu soo gaaray magaalada Yathrib (Madiina) si uu dawladda islaamka dhidibbada ugu
taago waxa uu billaabay:
Dhismaha Masjidka.
• Dib u heshiisiinta Aws iyo Khasraj.
• Walaalaynta Ansaar iyo Muhaajiriin.
• Dejinta dastuurkii Madiina, oo asaas u ahaa dhismaha dawlad ay wadaagaan
dhammaan reer madiina.
Muhiimadda dastuurkii madiina u lahaa dhismaha dawladda islaamka.
Dawladda islaamka waxa ay lahayd cadaw gudaha iyo mid dibadda, oo ay lagama
maarmaan ahayd in laga difaaco Sidaa awgeed muddadii u dhexaysay sannadkii
labaad ee hijriga ilaa sannadkii 10aad ee hijriga Rasuulku (NNKH) waxa uu dagaal
kula jiray cadawga muslimiinta, ha ahaado mid gudaha ama mid dibadda. Dagaalladii
Rasuulku (NNKH) galay cadawgii jasiiradda carabta oo isugu jira carab iyo yahuud,
waxa ugu waawaynaa : Beder, Uxud, (Al-Khandaq (Dhufayska), Khaybar, Furashadii maka iyo Xunayn.
Sidoo kale dagaalladii Nabigu (NNKH) la galay boqortooyadii roomaanka waxa ka mid
ahaa: Mu’tah iyo Tabuuk. Rasuulku (NNKH) sannadkii 10aad ee hijriga ayuu xajiyay,
wuxuna muslimiinta kula dardaarmay banka carafe, dardaarankaas waxa loo yaqaan
khudbaddii Sagootinta, ka dibna nabigu (NNKH) wuxu geeriyooday 12 Rabiic-Awal
sannadkii 11kii hijriga.