Search
Close this search box.
Search
Close this search box.

Soomaliya xiligii islaamku Soo gaaray

Aragtiyada kala duwan ee ku saabsan xilliga islaamku soo gaaray Soomaaliya.

Taariikhyahannadu waxa ay isku raacsan yihiin in islaamku ku soo gaaray kuna faafaySoomaaliya si nabad ah, balse waxa ay isku khilaafsan yihiin xilliga ay diinta islaamkudhulka soomaalida soo gaartay waxaana jira saddex aragtiyood oo kala ah:

1. Waxa ay leeyihiin; Islaamku waxa uu soo gaaray Soomaaliya intii nabigu (NNKH)noolaa, oo soo dhawaynta dacwada islaamka way uga horraysay dhammaandeegaannada, marka laga reebo Maka oo waxyigu ku soo degay, waxa ayna udaliishadeen hijradii saxaabada u hijrootay dhulka xabasha iyo masjid labo qibloleh oo laga helay magaalada saylac.

2. Waxa ay leeyihiin; Islaamku waxa uu soo gaaray Soomaaliya xilligii Cumar binkhadaab (13-23 Hijriga) waxa ayna u daliishadeen kitaab far gurri ah oo la helayoo magaciisu yahay” Kitaabu Sunuuj” oo ay ku caddahay in islaamku bariga afrikasoo gaaray xilligii Cumar. (RC)

3. Waxa ay leeyihiin; Islaamku waxa uu soo gaaray Soomaaliya xilliyadii Umawiyiintaama Cabbaasiyiinta, waxa ayna u daliishadeen olole ciidan oo waqtiyo kala duwan loo diray bariga afrika xilliyadii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta. Hase ahaatee saddexda aragtiyood waxa lagu soo uruurin karaa in islaamku dacwo ahaan soogaaray Soomaaliya intii rasuulku (NNKH) noolaa, waxa uuna ku faafay soomaalidadhexdeeda xilligii khulafaa u raashidiin.

Soomaaliyana waxa maamulka dawladdaislaamka la hoos geeyay xilligii Umawiyiinta. Cabbaasiyiitu markii ay taladamuslimiinta la wareegeenna, xeebaha Soomaalida iyo bariga afrika waxa ay u soodireen wakiil, si loogu helo taageero xukunka cusub sakadana dadka looga qaado.socdaalladii ka imaanayay jasiiradda carabta ee soo aadayay Soomaaliya iyo sababahooda.Laga soo billaabo dumiddii biyo – xireenka Ma’rab ee dalka Yeman sannadkii 120Nabi Ciise Dabadii (CD), socdaalladu waxa ay si isdaba joog ah ugu soo qulqulayeenxeebaha bariga afrika, badmareenno giriig ah oo soo booqday xeebaha Soomaaliyaqarnigii 1aad CD, ayaa sheegay in doomaha carbeed ku soo qulqulayeen xeebahaSoomaaliya.

Haddaba maxay ahaayeen sababaha keenayay in doomaha carabtu kusoo qulqulaan bariga afrika? Ujeeddooyinka socdaallada carbeed ay ku imaanayeenbariga afrika iyo Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

1• Ujeeddo dhaqaale: lyada oo uu jiray xiriir ganacsi oo ka dhexeeyey Soomaaliyaiyo koonfurta Jasiiradda Carabta taas oo keentay in ganacsato badan oo Carab ahay degaan Soomaaliya. Haddana markii uu dumay biyo-xireenkii Ma’rib ee Yamanayey dad badan u qaxeen Shaam,Ciraaq iyo Soomaaliya iyaga oo raadinayo nololfiican.

2• Ujeeddo diineed: Laga soo bilaabo markii ay muslimiitu u hijroodeen dhulkaxabashada, waxaa isa soo tarayey socdaalka Carabta ay ku imanayeen Soomaaliyaiyagoo u dan leh in ay faafiyaan diinta islaamka kana raadinaya ajar weyn. Sidookale khilaafka mad-habta ku salaysan ayaa isna qayb ka ahaa socdaalka carabta,waxan tusaale u soo qaadan karnaa: socdaalkii kooxdii Saydiyiinta oo Soomaaliyatimid 122 hijriga, ka dib markii la dilay hoggaamiyehoodii Sayd bin Cali binXuseen.

3• Ujeeddo siyaasadeed: Socdaalkii Carbeed ee ugu horreeyay ee ku saleysnaasiyaasad waxa uu ahaa xilligii Cabdimalik bin Marwaan (65-85 hijriga) markaas ooUmawiyiintu ay beegsanayeen dadka siyaasad ahaan uga soo horjeeda. Sidaasnadad badan ay u soo qaxeen Soomaaliya, waxan tusaale u soo qaadan karnaa:Socdaalkii Sulaymaan iyo Saciid oo ahaa ilma Jalandi oo xukumayay Cumaan kanasoo qaxay intii u dhexaysay (75 – 85 hijriga) ka dib markii uu jebiyay Xajaaj binYuusuf.Sidoo kale Soomaaliya waxa ka jiray xarumo aad looga yaqaanno dunida muslimkaoo lagu barto culuumta islaamka, xarumahaas waxa ka mid ahaa: Muqdisho, Saylac,Harar, Marka iyo Baardheere.

Share This Article