1_ HAWEENKA WAA HILIB BISIL
2_ GABAR WAA GUUR AMA GEERI
3_ GABAR GURI HA KAGA JIRTO AMA GOD
4_ NAAG NIN BAY DIIDAA EE RAG MA DIIDO
5_ SIR NAAGOOD LAMA SAL SAARO
6_ NAAGI NINKII DHALI KARA AYAA DHAQI KARA
7_ HAWEEN U SAMIR AMA KA SAMIR
8_ HAWEEN WAA CARUUR CAG WEYN
9_ CISHR IYO NAAG XUNBA WAA LA DEDEJIYAA.
10_ WAXAAD DOONEYSAAN DIIDA WXAAD DIIDAYSAAN DOONA.
11_ NAAG USHEEDA WAA NAAG KALE
12_ NACAB IYO NAAGO KUU TALIYE
13_ NAAG KULA TOL MA AHAN
14_ HAWEEN FEER QALOOCAN AYAA LAGA ABUURAY
15_ INAN IYI ABEESO AFKOODAY U DHINTAAN
16_ NAAG WAA NINKA AY U DHAXDO
17_ NIN IYI NAAGTIISA COLNA MA AHAN TOLNA MA AHAN
18_ WALAASHAA ISKUMA HUBTIDEE SEEDIGAA HA COLEYSAN
19_ HAWEEN WAXAA UGU DARAN TAG AMA JOOG
20_ NAAG SADDEX BAA KEENTA SADDEXNA WAY BIXISAA.
21_ NAAG NINKEEDA MA DHINTO.
22_ HAWEEN WAA INDHO KU GARAADLE
23_ AWR AWR WADO IYO NIN NAAGI WADO MIDNA KAMA LEEXDAAN.
24_ XUMBO IYO XIISO WAA DHACAAN
25_ NINKII GUUMEYS GEED KA FURA GABADHIISA AYUU GEED KU XIRAY
26_ HABAR FADHIDA LAGDIN LA FUDUDAA
27_ NAAGO KUN BAY KOODISAA KOWNA WAY GUURSATAA.
28_ HABLO BATAY HAAMO QURME
29_ NAAGO NIMEY YAQAAN COL MA MOODAAN.
30_MASLAXO NAAG LAGA DOONAYO IYO MALAALAY DUUR LAGA DOONAY MIDNA LAGUMA GUULEYSTO.
31_ CADHO NIRIG KA KACDAY IYO COLAAD NASG KA KACDAY MIDNA MA QABOWDO.
32_ NAAGO BEEN BAA LAGU SOO XERO GALIYAA RUN NA WAA LAGU DHAQANAA.
33_ KAS NAAGEED OO KADALOOB RAG KAGA DAMBEEYEY KAAD KU OGEYD MA AHA.
34_ NAAG LA FURAY FADHI UMA YAAL NINKII FURAYNA FALKIIS KU NOQAY
35_ NAAG FUDUD FAAIIDO MALEH.
36_ NAAG NIN WAA DHALAA NIN NA WAA DHAQAA
37_ MAAREEY MEEL AY U TALISAY IYO MOWD DAMEERO LA SAARAYBA MURUG MURUG BAA U DAMBEYSA.
38_ HADAY FOOLI TIMAADO GUDI QARSIINYO DHAMAA.
39_ HABAR MAYTI XUSTAY MOORADEEDA AYEY KA GARATAY.
40_ INAN IYO AGOORBA WAX KA CAANO JECEL
41_ HABAR GURI AY DHISTO IYADAA DUMISA.
42_ HAWEEN BAA RAG IS DHAAFIYEY
43_ NAAG TOL BAA GUURSADA NINNA WUU U TAGAA.
44_ XAAMILO IYADAA BILO TIRSATA.
45_ DAD WAXAA U XUN NAAG UUR LEH OO HARAANTAMAYSA.
46_ NAAGI KAS HALA HAATO KARTINA HALA HAATO.
47_ NAAG AAN NIN KAA XIGIN WAA WARAABE AAN OOD KAA XIGIN.
48_ WIXII XUNBA XAAWAA LEH
49_ INANTII HOOYADEED HARUURKA TUNTA IYADA HAADISKEE TAQAAN
50_ INAN WAA HOOYADEED WIILBA WAA AABIHIS
51_ ANIGU KUMA SHEEGAYEE SHAN BILOOD YEYSAN KU SHEEGIN
52_ GABADHII WECEL DHASHAA WALAALKEED WALKAFA
53_ HABAR DARAN GABAR DARAN BEY AHAAN JIRTAY
54_ NAAG HADEY KAL QAADO KABAR MA QAADI WEYDO.
55_ NAAG HADAY NIN DIIDO NIN KALE AYEY HOOSTA KU WADATAA.
56_ NAAGI LABO MA QAADI WEYSO NINKEEDA IYO ILMAHEEDA.
57_ HAWEENKA ILAHAYOW YEYSAN NA JECLAAN NALA GAMA KAREE YEYSAN NA NICIN NA LAGUMA KAREE.
58_ NAAGTADA IYO KABTAADA HA KAA DHEERAADAAN
59_ NAAG MAAHMAAHDAY WAA MAS,ALO EY MAS,ALO EYNA LAGUMA FARIISTO.
60_ ABOOTO KORIS IYO ALLE KAA QAAD YAA DARAN
61_ HABAR JINNI WAX LA DILO WAA TAHAY JINNINA WAX HOOYADII DILO WAA YAHAY.
62_ HOOYO MAXAY KA DHALI SOO AABE MA JOOGO.
63_ HAWEENKA IYO GEELA WAA LA HIDO RAACAA.
64_ NAAG AAN DHICIN MA DHALIN
65_ UMULI FOOSHA WAY ILOWDAA
66_ HOOYADIIS NINKII BERIN UGA GUURAY SODOHDIIS UGUKA NEGAADO.
67_ SODOHDAADA SARIIR KULA SEEXATO.
68_ SODOHDAADA WAA LALA HADLAA WAX XUNSE LAMA YIRAAHDO.
69_ DUMAR TAGAY TAFAHA QABAY GEEL TAGAYNA TAWAAALEE.
70_ ILMIHII ISLAAN LA FIIDSADA FICILEY BARTAAN ODAYNA FACAAD .
71_ NAAGUHU HADALKA WAA ISKA MAQLAAN ISMANA DHAGEYSTAAN.
72_ HABAR DHALI WEYDAY ALEELO KU WAALATAY.
73_ NAAGO TOBAN WIIL OO CAD CAD WAY KA TAGAAN LAKIIN TOBAN DHEERI MAYA.
74_ GABADHAADA GUUR XUN WAA LAGU LA TALIYAA WIILKAAGANA WAA LAGA LA TALIYAA.
75_ HAWEEN GEER QALOOCAN AYAA LAGA ABUURAY
76_ GABAR LAMA GUURSADEE REERKEEDAA LA GUURSADAA
77_ HABAR WALBA XAARKA AY DHASHO AYEY XAYOW TIRAAHDAA
78_ NAAG ARINKEEN WAAYEEL IYO AQBAL NAAGOOD HA LAHAATO.
79_ NAAGI NIN KAMA GABOWDO INAY KA GEERIYOOTA MOOYEE.
80_ HABAR UU ROOB KU DA,AY KUWA KALE INUU HAYEY MODAA