Xarumihii Ilbaxnimadii Soomaalidii hore
Dhulka soomaalidu waxa uu ka mid yahay meelo badan oo dunida ka tirsan oo aan
weli laga samayn degel-baarisyo mug leh, hase ahaatee hawlihii degel-baariseed ee
illaa hadda lagu sameeyay gayiga Soomaaliya waxa lagu ogaaday in Soomaalidii hore gaartay heer Ilbaxnimo, taas oo u fududaysay in ay dhistaan magaalooyin, qaarkood weli jiro sida; Ilbaxnimadii “Wargaadi” iyo raadkeedii caanka ahaa oo wata caddaymo muujinaya in soomaalidu ay lahaayeen xuruuf u gaar ah, muddo kumanaan sano ka hor, welina ay jirto baahidii loo qabay degel – baaris dheeraad ah, si loo ogaado sirta ku dahsoon taariikhda Somaalidii hore.
Markii ugu horraysay ee dhulka Soomaaliya qoraal lagu xuso, waxa ay ahayd saddex
kun oo sano dhalashadii Nabi Ciise ka hor, qoraalkaas waxa laga helay taariikhdii hore
ee suumariyiinta, oo dhulka Soomaaliya u yaqiinay” Dhulka dadka madow” oo xiriir
dhaqan – dhaqaale la lahaa Ilbaxnimadii Mosepetania oo suumariyiintu markaas
xukumayeen.
Sidoo kale labo kun iyo shan boqol oo sano dhalashadii Nabi Ciise ka
hor(CH) waxa Soomaaliya loo yaqiin Bunt ( dhulkii udgoonka) taas oo lagu xusay
xog ka sheekaynaysa safar uu diray boqor Sahure oo faraaciinta masar ka mid ahaa,
safarkaas oo ka soo noqday Bunt ayaa ku xardhan dhagaxa Palermo (¹).
Taariikh yahankii giriigga ahaa ee la oran jiray” Heroodoot” oo booqday dhulka
soomaalida qarnigii koowaad ee kunkii koowaad, ayaa ka sheekeeyay in Soomaalidii
hore ay ahaayeen dadka ugu cimriga dheer dunida. Hab nololeedkii hore ee
soomaalida waxa uu ku soo haray magaalooyin badankoodu ay weli magacooda haystaan, ama wax yar laga beddelay sida: Saylac, Bebera, Mayrh, Xaafuun, Boosaaso, Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo.
Waxa la wada ogyahay in ilbaxnimooyinkii hore ka soo wada ifbaxeen meelo biyo
ku filan leh sida: Agagaarka webiyada iyo xeebaha, degal-baaris uu sameeyay Prof.
Cabdalla Cumar Mansuur, oo wax ka qoray Taariikhda iyo Afka bulshada Soomaaliyeed
ayaa u kala saaray waxyaabaha uu helay:
Taallooyin
• Qabuuro
• Burbur magaalooyin hore
* lyo sawirro hogag iyo qarar ku xardhan
Tani waxa ay ina tusaysaa in gayiga Soomaaliyeed uu leeyahay taariikh fog iyo
ilbaxnimo facwayn, oo saamayn siyaasadeed, dhqan -dhaqaale iyo mid bulshado ku lahayd ilbaxnimooyinkii kale ee dunida.
Saamaynta Siyaasadeed ee ilbaxnimadii Soomaalidii hore
Ilbaxnimadii Soomaalidii hore waxa ay ka koobnaayeen magaalooyin mid kasta is-
maamusho mana jirin hal maamul oo ay ku midaysnaayeen, waayo hannaanka guud
ee siyaasadeed ayaa ahaa mid magaalo-dawladeed (City States) ay mid kasta lahayd xiriirkeeda dibadda.
Waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa xiriirkii siyaasadeed ee ka dhexeeyay boqortooyadii Bunt iyo masaaridii hore, oo gaaray heer isdhaafsi booqashooyin. Booqashadii boqoraddii Xatshabsuut (1508-1458) Ciise Hortiis (CH)
waxa ay muujinaysay heerka xiriirka labada boqortooyo.
Boqor Baraxow boqorkii Bunt iyo boqoraddisa Cutiyo ay waydiiyeen Xatshabsuut” Maxay siyaaradiinnu muddo dheer inooga soo daahday?!”.
Sidoo kale waxa xiriir nabadeed Soomaalidii hore kala dhexeeyay dalka faaris, inkastoo
xiriirku mararka qaar uu gaari jiray is dhaafsi farriimo colaadeed. Waxa kaloo jiray xiriir
siyaasadeed oo Soomaalidii hore kala dhexeeyay Shiinahii hore, Fiiniiqiyiinta, Giriigga, Hindiya iyo Roomaanka.
Xiriirka siyaasadeed ee Soomaalidii hore waxa ka mid ahaa heshiis dhex maray
soomaalida iyo jasiiradda carabta oo ahaa in ay yeeshaan difaac wada jir ah, si looga
hor tago haddii roomaanka iyo hindidu soo weeraraan dekedaha badda cas, si looga
ilaaliyo wax heshiisku ku tilmaamay “Sirta Ganacsiga Gobolka”.
Waxa aan ka doodaynaa saamaynta dhaqaale ee ilbaxnimadii Soomaalidii hore
Dhanka kale Soomaalidii hore waxa ay saamayn dhaqaale ku lahaayeen
ilbaxnimooyinkii hore ee dunida ka jiray, iyada oo Soomaalidii ku noolayd magaalooyinka xeebaha ay ahaayeen ganacsato xirfad ganacsi oo sarraysa leh.
Dekedaha soomaaliduna waxa ay ahaayeen xarumo ganacsi oo ay dhiirri gelinaysay halka ay ku yaallaan joquraafi ahaan, taas oo muhiim u ahayd dunidii hore. Waxyaalaha loo soo doonan jiray dhulka Soomaalidii hore waxa ka mid ahaa: Beeyada, Xabagta, Fooxa udgoon, Foolka maroodi, Alwaaxda, Baalka goroyada iyo Maqaarka waxyaalahaas oo ay danayn jireen ilbaxnimooyinkii ka jiray dunida.
Caddaymaha ugu waawayn ee muujinaya awoodda ganacsatada Soomaalidii hore
waxa ka mid ahaa in ay sirta ganacsiga ka ilaashadeen ummadaha kale. Waxaana
tusaale u soo qaadan karnaa in giriigga iyo roomaanku rumaysnaayeen in dhulka
asalka u ah qaraha uu ahaa Soomaaliya, balse runtu waxa ay ahayd qarfaha in ay
ganacsatada Soomaalidu doomo hindidu leedahay ku keeni jireen. Xarumahii
ganacsiga Soomaalidii hore waxa ka mid ahaa: Saylac, Berbera, Mayrh, Boosaaso iyo
Muqdisho.
Waxa aan ka fekeraynaa Saamaynta dhaqan -bulsho ee ilbaxnimadii Soomaalidii hore
Waxa cad in is dhexgalka ilbaxnimadii hore ee soomaalida iyo ilbaxnimooyinkii kale
ay ka dhalatay isu ekaashaha caadooyinka iyo dhaqannada, sidaa awgeed bulshada
soomaaliyeed kama fogayn bulshooyinkii kale marka loo eego dhinacyada dhaqanka
iyo suugaanta, waxyaabaha aan soo sheegnay waxa ka dhasha in uu samaysmo kayd dhaqan oo cilmi ku dhisan, tusaale ahaan Soomaalida waxa saameeyay dhaqankii Taxniidka, cilmiga caafimaadka iyo kiimikada.
Sidoo kale saamayn dhaqaneedkii u dhexeeyay soomaalida iyo ilbaxnimadii Yeman waxa ka dhashay is dhexgalka labadii ilbaxnimo, xag luqadeed, dhaqan iyo isu
ekaansho dhaqan