Search
Close this search box.
Search
Close this search box.

halgankii imam Axmed Gureey

Imaam Axamad Gureey

Imaam Axmed Ibraahim oo ku magac dheeraa Axmed Gurey, waxa uu ku dhashay

magaalada Harar sannadkii 1908 hijriga oo ku beegan 1500 CD, waxa uu wax ka bartay

culimadii Harar culuunta Islaamka, isaga oo akhristay tafsiirka, siirada iyo xadiiska

Nebiga (NNKH) ka dib waxa uu u socdaalay Seylac halkaasoo uu kala socday xaaladaha

Muslimiinta, sannado ka dibna waxa uu noqday sheekh weyn asaga oo da’diisu yar

tahay.

Waxa uu ka bartay ilmo adeerradiis farda fuulka iyo jir dhiska waxa uu koray isagoo

caafimaad buuxa leh kuna xeel dheer fallaar ganidda. Waxa uu noqday dagaalyahan

aan la loodin Karin, kuna dhiirran xaqa, una adeega diinta iyo dalka. Markuu

waynaaday ayuu dareemay dhibaatooyinka haysta walaalihiis soomaaliyeed, oo kala

qoqobnaanta, laaluushka iyo eexdu ka dhex jirto.

Imaaradaha Islaamiguna ay u kala tartamayaan xukunka iyaga oo dayacay xuquuqdii shacabka, waxaas oo ka jira gudaha, ayuu haddana billaabay in uu dadka faro waxa fiican kana reebo waxa xun, iyo in loo hiilliyo qofka laga gar daran yahay, korna loo qaado kalimadda Eebbe, lana ilaaliyo madax bannaanida dalka, gacantana lagu

dhigo kuwa ku ciyaaraya horumarka ummadda Muslimka ah.

Imaamku wuxa uu ka mid ahaa salaadiinta Soomaalida ee hor istaagay Xabashida

gaarsiiyeyna jab wayn. Waxa u suurto gashay in uu furto ku dhowaad saddex meelood dhulka Xabashida, oo uu hoos keeno maamulkiisa muddadii u dhexaysay 1529-1543 CD.

Imaamku waxa uu ku shahiiday dagaal uu la galay Bortoqiiska iyo Xabashida oo wada

socda ka dib markii uu ku dilay dagaalka taliyahoodii Kiristoofar oo ahaa wiilkii Faasko

Di Gaama iyo Boqorkii Axamaarada Liban Dangal.

Share This Article