Search
Close this search box.
Search
Close this search box.

GABAY QABYAALADA KA HADLAYA

Gabay waxaa tiriyey alle ha u naxariistee abwaan abshir nuur faarax (abshir bacadle)

1_ Haddii lays qadariyey, murti qiima leedahaye

2_ Qasadkiyo ujeedaduna, waa qiima galiyaane

3_ Sidaad ugu qotomisay, nafluhu ugu qushuucaane.

4_ laguu soo qadimo, kama qatoobaane

5_ Suugaantu waa qayb ka mid ah, qalabka taariikhda

6_ Qoraalladuna kaba qiima badan, mana qarsoomaane

7_ Nin waliba waxaa uu noo qabtiyo,Qaladkuu noo gaystay

8_ Diiwaanno qoran baa jiroo, loogu qorayaaye

8_ Qof quraarad calashoo dejiyey, qoomamee abidee

10_ Qarniyada dambaa kugu lacnada, ficilka qaarkiise

11_ Intaad qaranka kala goo laheyd, quruxso taariikhda

12_ Quruun waliba cudur qaas ahoo, qaybiyaa jira e

13_ Soomaali balo loo qoraye, qalinka loo saaray

14_ Wax qabiil ka daran jahannamaan, qiray aqoontayda

15_ Qadartaana iga hiilisaye, qolo ma sheegteene

16_ Qof qalbigii qabyaalad iyo diin, qaadi kari waaye

17_ Umana qaybsamee meel un buu, qac uga siiyaaye

18_ Ma anaa qur’aankiyo ka taga, qowlkii nabigeena?

19_ Qabrigayga ma anaa gatoo, qubaya diintayda

20_ Qatli muumin ma anaa hub iyo, qarash ku taageera?

21_ Ma anaa qabil door bidoo, qaranka aafeeya?

22_ Waa quud ka dhigo ruux muslin ah, hilibkii qayriine

23_ Ilaahayoow adigu haygu qaban, qaadir baad tahaye

24_ Qof muslim ah gabyaalad u diloon, ficiliyo qawl geysan

25- Qasadkiyo ujeedaduna tahay, lagu qisaasaayo

26- Qabiilkaa muxuu uga dhashaye, qaadir uga yeelay

27- Qiso murug iyo yaab leh oo, quruna sow maaha?

28- Qof kastoo ka qayb qaata, ama qarash ku taageera

29- Nafta goorta laga qadaayo, laga qibloonayo

30- Qarqaradiyo dhuunyeeriskiyo, qara la taahiisa

31- Diiwaanka qalinku ku dhacay, qoomaamee abide

32- Qaraabo iyo ehel rixinnimaa, loo qaddariyaaye

33- Waa sanam qabyaaladii, haddaad igu qancaysiine

34- Qaaxo iyo kaankariyo, Aydhis qaab darane

35- Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene

36- Waa shey Rabbigay noo qaddaray, naguna qaameeyey

37- Waa qowqam iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shida e

38- Waa qaaba- qawseyn dagaal, qac iyo yaahuuye

39- Qaajir boogi qaadatoo qurmoo, qolof la’ weeyaane

40- Waa gorofta lagu qaybiyaa, malaxda qayriine

41- Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo, qaraxa weeyaane

42- Waa waxa qaxootiga ka dhigay, boqol kunoo qoyse

43- Waa waxa qalbiga nooga riday, qaata ubadkiina

44- Waa guri qabya ah oo waligiiyo, lagu qaraabtaaye

45- Waa shay quraafaad ahoo, aad qadarisaane

46- Qalbigiinna ka ilaashadoo, wadajir qiimeeya

47-Oo qaan-gaar fidnoobee ilmaha, yaan la qabadsiinin

Share This Article