Search
Close this search box.
Search
Close this search box.

Gabay ku saabsan nolosha

Gabaygaan waxaa tiriyey alle ha u naxariistee abwaan Mohamed Ibrahim warsame oo ku magac dheer ( Hadraawi)

“Markay dani meeday tidhi

maxaan talo meel ka deyey,

markay dani maaha tidhi

weydiiyey qof meel ka deyey,

markay dani maaha tidhi

ku laabtay halkaan ka deyey,

markay dani maaha tidhi

ka sii deyey meel la deyey.

Maxay doqonniimo tidhi

Ruux aan jirin raad ku doon,

intaan isku duubay been

ka buuxsadey labada dacal

maxay runi daadi tidhi.

Maxaan arrin dawlis dhow

Ma-diiddo la soo qorqoray

ku daabacan baal madow

ku daawaday meel madow,

wax aan duluc sii ridnayn

indhuhu ku daraandareen.

Maxaan dogob beer is idhi

daruuro u soo sasabay

daryeelka ku maal is idhi

biyuhu uga sii dareen.

Wax aan degdeg jeer ku liqay

maxay shishe ii damqeen

kashayda dalooshadeen.

muxuu hadba shay dellegan

dareensigu soo tuf yidhi.

Ammuuraha duurxulka ah

duunkayga maxaan qodqoday

weyddiiyey su’aal da’ weyn

dibnuhu iga aammuseen.

Dalxiiska maxaan bilqaday

maxaan farax deeddankii

maxaan sida daad jirfaday

maxaan hadba daaf qulqulay

maxaan hadba deex sunsumay

maxaan deli jeer ka dhacay

maxay jarar soo deldelan

doolaaladu fuul i tidhi,

dushooda markaan u baxay

ha soo degin laygu yidhi.

Maxaan dihin weel la galay,

ku dayga maxaan ammuur

daboolka ka qaad is idhi

cabsidu iska daa i tidhiIndhuhu dib u soo noqdeen.Maxaan dhilay doog lingaxanhal daahan maxaan furfurayinaan dib u sii xidhxidhoGaraadku ku daaley yidhi.Maxaan dardaraa habeenanoo daba jooga raaddedaalku i soo xidhxidhay,dakaanka anoo jiljilanmuxuu dayax soo mir kacaydegaan kale ii furfuraydayaan igu sii gilgiley.Maxaan qoday doox sal weynmaxaan helay deeq mug weynwax uu dad jeclaan lahaau waayey wax soo daldala.Wakhtigu boqol doocsanaa,dersuu kugu beerayaadurduur kugu siinayaadardaaran adoo qabuudagaal kugu riixayaadil buu kugu oogayaa,markaad deldelaad gashuuhaddana kugu diidayaadorraato siduu ku yidhi,intuu ku diruu haddanadabbaal kugu sheegayaa.” – Dabahuwan | 1995.

Share This Article