1) Halgankii N.F.D Iyo Jubba-Land
Dhulka u dhexeeya Kismaayo iyo Raas kiyambooni oo la oran jiray Jubba-land iyo N.F.D, waxey galeen geybta gumeystihii ingiriiska ku yeeshay kala boobkii dalka Soomaaliya. Waxa maamulka loo dhiibay, shirkad Ingiriis ah oo u qaabilsanaa maamulidda Bariga Afrika, oo ay gacanta ku dhigtay 1891.
Dadka Soomaaliyeed, sida caadada u aheyd waxay gumeystaha kala hortageen dagaal. Sannadkii u horreeyay dagaallo ayaa dhexmaray Soomaalida iyo Ingiriiska. Dagaalladaasi waxaa dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ninkii magaalada Kismaayo xukumaayay. 1919kii ayaa Ingiriiska oo dhulka Jubba-land dagaal mooyee wax kale kala kulmin, wuxuu goostay in gobolka Jubba-land uu ku wareejiyo Talayaaniga.
1925kii ayaa Kismaayo lagu wareejiyay Talyaaniga.
2) Dhacadadii Lafoole.
Gumeystihii Talyaaniga, ayaa waxa uu goostay in uu taliskiisa ku fidiyo waddanka, waxa uuna gumeystuhu, 25kii Nofeembar 1896 u ambabaxay xagga boqortooyada Geledi, isagoo gumeystuhu ay la socdeen ciidan ka badan 70 Askari, waxeyna ku furteen degaanka Lafoole, ee u dhaw degmada Afgooye. Hase yeeshee, Soomaalidii ayaa weerar ku soo qaadday, waxeyna dileen askar badan, oo ka tirsanaa gumeystihii Talyaaniga. Lafoole, waxay ka mid tahay guulaha waa-weeyn ee dadka Soomaaliyeed ay ka soo hoyiyeen gumeystaha.
3) Halagankii Sh.Xasan Barsane
Sh.Xasan Barsane, oo aad waayeel u ahaa, wuxuu kacdoon ka dhan ah qumeystaha ka billaabay Gobolka Shabeellada dhexe, Wuxuu ahaa nin diinta aqoon dheer u leh, oo dadku qadariyaan. Sh.X. Barsane, markii uu arkay in gumeystuhu u faragelinayo nolosha dadka Soomaaliyeed, Waxa uu go’ aan ku gaaray in uu horseedo Wadaaddada Soomaaliyeed dhaq-dhaqaagLagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed.
SH.Xasan iyo dadkii raacsanaa, waxaa lagu dhibay ceelasha biyaha laga cabbo, waxaa lagu kiciyay ciidan aad u farabadan ooWata hub casri ah.Sh xasan Barsane, oo 80 Jir ah ayaa waxaa lagu xakumay 30 sano oo xarig ah sannadkii 1925k, waxaana lagu dilay shirqool uu u Maleegay gumeystaha. Waxaa lagu dhex dilay oo uu ku geeriyooday xabsiga magaalada Muqdisho, 28dii janaayo 1925tii.
4) Halgankii Sayid Moxamad Cabdulle Xasan
Sayid Moxamad Cabdulle Xasan, waxaa uu noolaa muddadii u dhaxeysay (1856-1920).Waxa uu ahaa hoggaamiyihii Daraawiish, lana dagaallamay gumeystayaashii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaallamay dhulka u dhaw Nugaal iyo Taleex.1900-1920-tii. 41 goobood ayey ciidammada Daraawiishta kula dagaallameen Ingiriiska. Kuwi ugu waa-weeynaa ama dagaal xumi Ka dhacay, waxaa kamid ahaa: Af-bakeeyle, Faradhidin, Cagaar-Weeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe(Agoostot 1913dii).Duullaanki koowaad iyo kii labaad oo billowday 1899 waxa ay Dhamaadeen 6dii Oktoobar 1902dii.Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeen waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin.Sayidka waxaa lagu soo kiciyay dayuuradaha dagaalka ee Ingiriiska,waxaana weeraradaa hoggaaminayey Dhamme DuuliyeGordon, wuxuuna cadowgu adeegsanayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9.Waxey duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihiiSayidka oo dhan. Sidaa darteed, daraawiishtu waxey ahaayeen urur gobonnimodoon ah, ee adduunyada ugu horreeyey ee dayuurado lagula dagaallamo. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu geeriyooday 21ki Diseembar sannadkii 1921kii.